|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Inta la xaqiijiyay ilaa 3 Askari oo ka mid ah Ciidamada Itoobiyaanka ayaa maanta Lagu dilay Afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib Dagaal xoogan oo Ciidamada Itoobiyaanka iyo Xoogaga ka soo hor jeeda ku dhex maray agagaarka Warshadii hore ee Baastada illaa Deegaanka Gubta ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkani ayaa yimid kadib markii Xoogaga ka soo hor jeeda Ciidamada Itoobiyaanka ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada Itoobiya oo marayay wadada Warshadaha ee Degmada Yaaqshiid.
Weerarkasi kadib ayaa waxaa ay ciidamada Itoobiyaanka bilaabeen in ay isku soo fidiyaan xaafadaha ka agdhaw inta u dhexeeysa Warshada Coca Cola iyo Warshadii hore ee Baastada oo hada fariisin u ah Ciidamada Itoobiyaanka.
Mid ka mid ah dad deegaanka oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa ayaa Idaacadaha lokalka uga war bixiyay sida ay xaaladu tahay iyo qaabka uu dagaalku ku biloowday, waxaana uu sheegay in xaalada ay hada degan tahay, isla markana uu indhihiisa ku arkayay Meeydadka 3 Ka mid ah Askarta Ciidamada Itoobiya
Sidoo kale waxaa uu goobjoogahasi intaa ku daray in ay Ciidamada Itoobiyaanka ku laabteen fariisinkoodii ay markii hore ka soo ruuqaansadeen, kadib dagaal xoogan oo lagala hor tagay.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa ay 5 wiil oo waardiye ka ahaa Ceel lagu magacabo SYL oo ku yaalay isla goobtaasi ay kaxeysteen,waxaana uu sheegay in ay markii danbe iska soo daayeen, iyadoo aan la ogeeyn wax jir dil ah oo ay u geeysteen.
Ilaa iyo hadna lama sheegin wax qasaare ah oo dad rayid ah ka soo gaaray Dagaalkasi dhexeeyay Ciidamada Itoobiya iyo xoogaga ka soo hor jeeda.
Iska hor imaadkasi ayaa waxaa uu saameeyn weeyn ku yeeshay isku socodka Gaadiidka isaga kala gooshayay Suuqa Xoolaha iyo isgooyska Baar ubax ee Magaalada Muqdisho.
|